Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:369
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 07 2008
Sheekh Shariif oo Ciidamo Carbeed u Dalbay Soomaaliya
Written by Ali Moallim   
Thursday, 07 August 2008

Qahira,(insidesomalia.org)-Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xorreynta Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dowladaha carabta in ay Somaaliya usoo diraan Ciiddamo Carbeed oo badala Ciidamada Itobia ee ku sugan gudaha dalka Somaliya.

 

Sheekh Shariif oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Isbahaysiga Dib u xoreynta oo booqasho hada ku jooga Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxa ay la kulmeen kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, Ambassador Axmed Bin Xilli iyo agaasimaha aaaxda iskaashiga Carabta iyo Afrika ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Samiir Xusni.

 

"Ciiddamadda Carabta ayaa aas-aas u noqon doona Ciiddamo kasta oo caalami ah oo loo soo daad gureynayo dalka Soomaaliya, si ay u beddelaan Ciiddaamadda Itobia ee duulaanka ku qabsaday dalkeenna", ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo tilmaamay inay ka go’an tahay Isbahaysiga inay Ciiddamadda Itobia ka saaraan dalka Soomaalia.

 

Sheekh Shariif, waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay Dowladaha Carabta u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa xiisadaha ka taagan dalka Soomaaliya iyo sidii ay Ciiddamo Carbeed loogu soo diri lahaa dalka Soomaaliya.

 

Mar wax laga weydiiyey inay ciiddamadda Somaliya awoodi karaan inay nabad ku soo dabaalaan dalka Somalia, waxa uu farta ku fiiqay inay ciiddamadda Soomaalida gacan siin doonaan ciiddamadda dowladaha Carabta ee hawlaha nabad-ilaalinta loogu soo dirayo dalka Somalia.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, Ambassador Axmed Bin Xilli, oo kulankaasi kadib la hadlay Suxufiyiinta, ayaa sheegay in ay Wafdiga Soomaalida u soo gudbiyeen codsiyo badan intii uu kulanka la lahaa, kuwaasi oo uu xusay inay ugu muhiimsan yihiin:-

 

In ay Dowladaha Carabta door wanaagsan ka qaadato sidii uu Ururka Jaamacadda Carabta Ciiddamo Nabad ilaalin oo u gaar ah loogu soo diri lahaa dalka Soomaaliya ama ay qeyb ka noqdaan Ciiddamadda Qaramada Medoobey ee loo soo dirayo dalka Soomaaliya.

 

-· Inay dowladaha Carabta gacan ka geystaan taageero dhinaca Samafalka iyo Waxbarashadda ee dalka Somalia.

 

Ambassador Axmed Bin Xilli, waxaa kaloo uu sheegay inay Ergooyin ka socda Ururka Jaamacadda Carabta u soo diri doonaan dalka Somalia, marka la sugo ammaanka guud ee dalka Somaliya.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >